BREAKING NEWS

Barlamaanka Dhulbahante ee Ku jira Dawlada somalia Maxay Qabten Sadex-dii Sano ee dhamaatay,

Xildhibaanada ka soo jeeda SSC ee heer federaal sadexdii sano ee tagay wax ay bulshadooda u qabteen haday inoo soo bandhigaan waa ku boogaadinaynaa Ceel, MCH, Arday waxbarasho loo diray IWM.

Waxaan intaas ugu darayaa kolay kuwo badan iyo iyaguba marmarsiiyo ayey ka dhiganayaan deegaankooda ayaanay tegi karin, taasi waxaa ku qanca qof aan deegaankana aqoon qaab kalena doonaya in uu u difaaco, xog ayaa jirta goobo badan oo ay ceelal, xarumo Caafimaad ka hirgalin karaan ayaa jirta, Turkigaa dhaamay NN iyo Xildhibaanadan Muqdisho ku xanaanaysan ee ku quruxda batay, Turkigu Buuhoodle wuxuu ka dhisay dugsi weyn.

Xildhibaanada qaarkood ayaan ogayn in ay mashruuc gudbin karaan si miisaaniyada sanadka loogu daro, oo loo fuliyo waxay ku qanceen adeega ay ka qaataan golaha iyo codkooda wuxuu u goyn karo.

Arrimaha siyaasaddana waa ka gashaantiyo oo aamuskay u badan yihiin

Kuwan la arag sadexdii sano ee ina soo dhaafay oo waxay galaan iyo waxay gudaan waxay ku soo ururtay hebel ayaanu xil la raadinay iyo hebel ayaanu safiir ka dhignay dhammaana waa dan gaar ah, hawlguudna waa gabeen, waxaana muhimadu tahay in aan mid ka soo noqon, isla markaana dhalinyaro indha adag oo danta guud u carbisan doorka danbe lagu ogaado.

Waxaana ku dhiiri gelinayaa ninkasta oo deegaankaa ka soo jeeda oo han siyaasadeed ku jiro in uu hadda olole bilaabo ugu yaraan goobaha awoodaha xilkan uu iska muujiyo, ninkasta oo dhalinyaro ahna lays garab taago oo karti leh iyo hal adeeg iyo ku dhac hufan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top