BREAKING NEWS

Waa Maxay Sababta Ay Taageerayaasha Man United U Qorsheynayaan Iney Dibad Bax Ka Sameeyaan Garoonka Old Trafford, {Akhriso}

Taageerayaasha Man United ayaa qorsheynaya iney dibad bax ballaaran ka dhigaan garoonka Old Trafford, waxeyna diyaar u yahiin iney ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qoyska Glazer iyo sidoo kale madaxa labaad ee fulinta kooxda Ed Woodward.

Jamaahiirta kooxda ayaa mar qura garoonka faarujiyay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Burnley todobaadkaan, waxeyna mar kale qorsheynayaan iney isaga baxaan garoonka ciyaarta soo soocta ee Wolverhampton Wonderers.

Waxaa la ogaaday in dadka u ololeynaya qorshahaan ay ugu yeeraan dhamaan jamaahiirta kooxda iney garoonka isaga baxaan daqiiqada 58-aad kulanka ay 1-da February la ciyaari doonaan Wolves, waana kulan ka tirsan horyaalka.

Sababta ay wakhtigaas u doorteen waxey tahay, kulankaas waxey kooxda xusi doontaa xiddigahii kaga geeriyooday musiibadii Munich 1958, waana sababta ay u qorsheynayaan iney wakhtigaas isaga baxaan garoonka.

Dadka qorsheynaya dibad baxaan waxey rajeynayaan iney kumanaan kun oo jamaahiirta kooxda ah ku qanciyaan iney isaga kacaan kuraastasi ay u muujiyaan ku qanacsanaan la’aanta shaqada qoyska Glazer iyo sidoo kale sida aan quruxda badneyn oo ay kooxda ku socoto.

Burnley ayaa markii ugu horreysay muddo 58-sano ah ku badisay Old Trafford, 2-0 ayeyna ku adkaadeen ciyaar ay awood muujiyeen.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top