BREAKING NEWS

Iskuullo Ku Yaalla Kenya Oo U Xirmay Weerarada Al-Shabaab

Maamulayaasha iyo macalimiinta ku dhowaad toban iskuul oo ku yaalla degmada Gaarisa iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa yeeshay shir ka dhan ah xaaladda amaan ee gobolka, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab.

Maamullada ku kulmay Gaarisa oo warbaahinta la hadlayey ayaa ku dhawaaqay in ay xiri doonaan iskuulladooda, iyaga oo sheegay in aan lisku haleyn karin amniga.

Hasan Sheekh Cali oo ka tirsan maamulayaasha iskuullada ku yaala Waqooyi Bari ayaa sheegay in iskuulladaasi albaabada la isugu dhufan doono illaa ay wax ka qabato dowladda Kenya, qatarta amaan ee ka jirta halkaasi.

Sidoo kale Cabdirisaaq Xuseen oo ah xoghayaha urur ay ku midoobeen macalimiinta Gaarisa ayaa sheegay in inta badan macalimiina ay isaga baxeen deegaanada gobolkaasi, kadib markii la dilay qaar ka mid ah barayaasha.

Hadalkana ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay weeraro is daba joog ah ay ka dhacayeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top