BREAKING NEWS

Kulanka Adagge Ee Real Madrid vs Atletico Madrid – Ayay Zidane Iyo Simeone.{Akhriso}

Real Madrid ayaa la ciyaareysa Atletico Madrid galabta kulankii 276aad ee Madrid Derby iyadoo labada kooxood ay ku kala jiraan labo xaaladood oo kala duwan.

Kooxda martida loo yahay ee Real Madrid waxay seddex dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hogaanka La Liga ka dib guushii ay isbuucii la soo dhaafay ka gaareen Real Valladolid halka guushii ay 4-0 ee ay ku dubteen Real Zaragoza ee Copa del Rey ay ka dhigan tahay in Los Blancos aan laga badinin 20 kulan oo isku xigta.
Atletico Madrid waxa ay ku jirtaa boos ka banaanka boosaska loogu soo baxo Champions League, tababare Diego Simeone ayaa cadaadis weyn ku hoos jira ka dib seddex guuldarro iyo barbaro ay la kulmeen afartii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan oo ay ku jirto kulankii sida ceebta ahaa looga reebay Copa del Rey ee guuldarada ay ka soo gaartay kooxda heerka seddexaad ee Cultural Leonesa.

Si kastaba, Atletico Madrid ayaa Bernabeu booqaneysa iyagoo ogsoon in todoba sannadood laga joogo inay guuldarro horyaalka ah ku soo gaarto garoonka Santiago Bernabeu.

Real Madrid kulanka galabta waxaa ka maqan Eden Hazard oo weli aan taam buuxda aheyn, Gareth Bale oo arimo farsamo looga soo tagay iyo si la mid ah xiddigaha Rodrygo, Brahim Diaz, Mariano Diaz iyo Nacho oo iyagana boos waayay.

Dhanka Atletico waxay qabaan liis dheer oo dhaawacyo ah oo ay ku jiraan Joao Felix, Kieran Trippier, Santiago Arias, Jose Gimenez, Koke iyo Diego Costa.
SHAXDA RASMIGA AH:
Real Madrid XI: Courtois, Carvajal, Varane, Ramos, Mendy, Valverde, Casemiro, Kroos, Modric, Isco, Benzema

Keyd: Areola, Militao, Marcelo, James, Lucas Vazquez, Jovic,Vinicius Jr.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top