BREAKING NEWS

Israsaaseyn Xoogan Oo Ka Dhacday Degmada Wadajir

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaaseyn u dhexeysay ciidanka amniga iyo nin baxsad ahaa oo ka dhacday degmada Wadjir ee gobolk Banadir.

Israaseynta ayaa timid kadib markii ninka baxsadka ah oo la sheegay inuu horay u dilay laba askari oo walaalo ahaa uu ka biyo diiday inuu isku dhiibo Booliska degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe isaga oo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada Wadajir iyo laamaha amniga ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top