BREAKING NEWS

Saraakiisha Dawlada ee Gobolka Gedo Oo La hadlay Warbaahinta{Video}

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka ciidamo horleh u daabushay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay geysay ciidamo kala duwan oo aad u hubaysan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaanno HARAMCAD-ka, ayaa saaka diyaarad looga qaaday Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay qalalaaso ka waddo gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubaland, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ku daabulaysay ciidamo kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegay, in hub iyo gaadiid dagaal ay dowladdu geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, si ay halkaa colaad uga abaabusho, islamarkaana isaga hor-keento shacabka gobolkaasi iyo dowlad goboleedka Jubaland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top