BREAKING NEWS

Al-Shabaab Oo Weerartay Kolanyo Ciidano Kenyan Ah{Dhagayso}

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gobolka Jubada Hoose ku weerareen ciidamo Kenyan ah.

HALKAN KA DHAGAYSO

Weerarka oo ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa sababay dagaal fool-fool ah oo dhinacyadda dhexmaray.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley. Ciidanka waxaa la beegsaday iyagoo maraya degaanka Taabta.

Dadka degaanka ayaa WIdh Widh Online u sheegay in uu jiro khasaaro soo kala gaarey dhinacyadda, wallow aanan la xaqiijin tiradda guud.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda AMISOM, laamaha ammaanka Jubaland iyo Al-Shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top