BREAKING NEWS

DF: Dad Dano Qabiil Huwan Ayaa Diidan Dowladnimada {Dhagayso}

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka.

HALKAN KA DHAGAYSO


Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka.

“Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top