BREAKING NEWS

Dawlada Soomaaliya maxay ka tidhi shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland.

– Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa markii koowaad ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, kaas oo ugu yeeray xubnaha golayaasha DF u qaabilsan Puntland, waxaana ugu yeeray arrimaha Aayo katashiga deegaanadaas, ka dib khilaaf kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadlayay warbaahinta dawladda Faderaalka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhawaaqa Madaxweyne Deni, wuxuuna shegay in ay soo dhaweynayso dawladdiisu arrimaha Madaxweynaha.

Mr, Maareeye ayaa sheegay in ay xooga saarayaan sidii wax kasta wada hadal loogu dhameyn lahaa, wuxuuna sheegay in ay shirka Puntland ay qabanayso uu noqdo mid Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa dhinaca duray dawlad gobaleedyada dalka ee khilaafka kala dhaxeeya dawladda Faderaalka, isagoo sheegay in ay wax kasta doonayaan in ay iyagu qaataan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya wax kasta qaribtay oo ay doonayso in ay isku koobto arrimaha ka jira gudaha dalka, wuxuuna ku dhawaaqay in ay u yeerayaan xubnaha u qaabilsan dawladda Faderaalka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top