BREAKING NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad maanta ka jeedin doonta shirka Addis Ababa

Galinka dambe ee maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo Meertada 33-aad ee shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan waxaa Soomaaliya u matalaya wafti uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada ka jirta dalalka Afrika sigaar ah caqabadaha ka jira wadanka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta shirkaasi ka jeediyo khudbad uu kaga hadli doono guulaha ay gaartay Soomaaliya muddadii lasoo dhaafay, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha u baahan in sida wadajirka ah looga faa’iidaysto qaarad ahaan.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi waxa uu kasii wadi doonaa kulamo kala duwan oo uu la qaadan doono madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka wadamada Afrika ee ka socda Addis Ababa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top