BREAKING NEWS

Aqalka Sare oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka

Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Aqrinta labaad marinaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka oo ay u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Fariin loo diray Mudanayaasha Golaha waxaa lagu sheegay in fadhigooda maanta uu yahay Aqrinta labaad ee Hindise sharciyeedkaan oo horyaalla Aqalka sare kadib markii ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Senatarada waxaa hortagaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga Aqalka sare u qaabilsan Ganacsiga.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top