BREAKING NEWS

Shir u dhaxeeya dowladda & dowlad goboleedyada oo maanta furmaya

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu Maanta ka furmo shir sanadeedka Garsoorka dalka, kaas oo sanadkii labaad muddo 30 sanno ah ka dib la qabanaayo, waxaana uu socon doonaa muddoo laba Cisho ah.

Shirka waxaa ka qayb gali doona guud ahaan laamaha garsoorka ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, wasiirada Cadaaladda Dowladda & Dowlad goboleedyada, iyada oo looga hadli doono arrimo la xiriira Garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadli doonaa caqabadaha heysta Garsoorka dalka,waxyaabihii ka hirgalay balan qaadkii Shirkii sanadkii hore la qabtay iyo sidii si huufan loogu shaqeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa furi doono oo goobjooog ka noqon doona qaar kamid ah madaxda ugu saraysa dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo hadalo kala duwan ka jeedin doona.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top