BREAKING NEWS

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in koox Burcad ah ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed, oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada Koonfur Afrika.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka , oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Cumar Aadan isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulla hoostagta Magalada Cape town.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay, ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika sannadihii u dambeeyay waxaa ku sii kordhayay dilalka loo gaysanayo dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top