BREAKING NEWS

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkii xildhibaan Tinle

Ururk Al-shabaab ayaa sheegtay dilkii magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo kamid ahaa gollaha deegaanka Gaalkacyo.

Qoraal lagu faafiyay warbaahinta Al-shabaab taageerta ayey kubsheegteen dilka marxuumka oo dablay hubaysan ku toogteen bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoona iskaga baxsaday goobtaasi

Marxuum Tinle oo dhaawac culus qaba ayaa la dhigay cisbitaalka magaalada Gaalkacyo oo ugu dambayntii uu ku geeriyooday sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Ma aha markii koowaad ee lagu dilay Gaalkacyo, waxaana marar kala duwan ka dhacay magaalada dilal iyo weeraro kala duwan oo Al-shabaab ay sheegteen..

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top