BREAKING NEWS

Hoobiyaal Lagu Weeraray Xarunta Xalane

eerar la aaminsan yahay in loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa mar kale waxaa lala beegsaday nawaaxiga saldhigga Xalane ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan meel u show xerada Xalane ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa qaraxyo la aaminsanyahay inay yihiin hoobiyeyaal.

Ilaa hadda waxaan la ogeyn haddii uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaan.

Waa markii labaad ee muddo 24 saac gudahood ah ee hoobiyeyaal lala beegsado xerada Xalane,waxaana weerarkii shalay dhimasho iyo dhaawac ku noqdey dad Shacab ah.

Xalane ayaa waxa ay saldhig u tahay ciidamada AMISOM, hay’adaha QM ee Soomaaliya ka howlgala, iyo safaarado dhowr ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda hoobiyeyaasha lagu weeraro Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top