BREAKING NEWS

Puntland oo sheegtay in Cudurka Coronavirus ku faafayo deegaanadeeda

Kulan ay yeesheen Maanta Guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland iyo Dhaqaatiirta ka howl gasha deegaannada Maamulkaas ayaa waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortegida iyo la tacaalida Cudurka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Cudurkaan oo dhibaatooyin badan uu ku haayo Soomaaliya,isla markaana uu yahay mid ay iska kaashanayaan Xubnaha Guddiga iyo Dhaqaatiirta sidii loo xakameyn lahaa.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in Cudurka COVID-19 uu ku faafayo Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Puntland,isla markaana ay jiraan dad badan oo qaba.

Waxaa uu sheegay ka sokow dadka Cudurka laga baaray ee laga helay ay jiraan dad farabadan oo lagu arkay astaamaha Cudurka oo ku nool Magaalooyinka Puntland,hayeeshee puntland ay kordhineyso Goobaha dadka qaba Cudurka COVID-19 lagu karantiilo.

Deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socda baaritaano la xiriira Coronavirus,iyada oo ilaa hadda laga laga helay  Cudurka 38 Ruux.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top