BREAKING NEWS

Wasiir ka tirsan dowladd caan ah oo laga helay cudurka Coronavirus

Iyadoo fara ba’an uu ku hayo caalamka oo dhan cudurka Coronavirus ayaa waxaa laga helay wasiir ka tirsan xukuumadda Moscow.

Wasiirka wasaarada Dhaqanka ee dalka Ruushka Olga Lyubimova ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee laga helay cudurka Corona gudaha dalka Raashiya, waxaana Wakaalada Wararka ee Ruushku iyana ay sheegtay in wasiirka kiiskiisa cudurka la xaqiijiyey.

“Lyubimova waxay leedahay astaamo khafiif ah waxayna sii wadaysaa inay si fog uga shaqeyso, iyadoo kulammo ku qabaneysa khadka internetka” ayay tiri xoghayaha saxaafadda Anna Usacheva sida laga soo xigtay TASS.

Tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalka Ruushka ayaa dhana 165,929 halka dadka u dhinteen cudurka 1,537, waxaana ka bogsaday sida la sheegay 21,327.

Ku dhowaad 4 Milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida ayaa lagu xaqiijiyey in cudurka Coronavirus uu ilaa iyo hada ku dhacay halka ​​257 ay u dhinteen sida laga soo xigtay xog ay uruurisay Jaamacadda Johns Hopkin, waxaana ka bogsaday cudurka ku dhowaad ​1.2 Milyan oo qof.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top