BREAKING NEWS

Dhaqaalaha Sacuudiga oo hoos u dhac xooggan ku yimid

Dawladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay dartii ay soo rogtay tallaabooyin ay ku dhimayso kabiddii, canshuur dhaafkii, iyo gunnooyinkii ay muwaadiniinta siin jirtay.

Hoos u dhaca dhaqaalaha Sacuudiga ayaa waxaa horseeday saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay dalkaas, qiimihii shidaalka ee caalamka oo hoos u dhacay iyo dalxiiskii goobaha barakeysan ee dalka oo meesha ka baxay.

Sacuudiga ayaa sidoo kale kordhiyey canshuurtii iibka, si loo kordhiyo dhaqaalaha dalka soo gala, waxaana la dhimay miisaaniyaddii dowladda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top