BREAKING NEWS

Dawlada Somaliya oo qalabka looga hortago cudurka Corona u dirtay goboladda Sool & Sanaag

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortaga iyo xakamaynta cudurka Coronavirus u dirtay goboladda Sool iyo Sanaag.

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in deeqdani ay wax badan ka tari doonto baahiyaha caafimaad ee cudurka Corona ee ka jira goboladda Sool iyo Sanaag.

Kiisas badan oo la xidhiidha cudurka Coronavirus ayaa laga helay goboladda dalka, waxaana deegaano badan ka jira baahiyo caafimaad oo kala duwan kuwaas oo dowladdu ay haatan xooga saarayso gaadhsiinta agabyada qaarkood goboladdaasi.

Dowladd goboleedyada Puntland, Galmudug, Hir Shabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay gaadhsiisay agabyo caafimaad oo looga hortago cudurka Coronavirus si looga hortago faafitaanka cudurkaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top