BREAKING NEWS

Salaad Cali Jeelle Oo ujawaabay Xasan Sheekh Arinta Badda{Video}

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu maanta warbaahinta Qaar kula hadlay Muqdisho waxa uu si kulul uga hadlay Warkii shalay Arbacadii kasoo yeeray Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Jeelle waxa uu shaaca ka dhigay in isaga ahaan ka xun yahay qaabka loo wajahay dib udhigista Dacwada Badda oo la filayey in la dhageysto Bisha soo socota balse dib loo dhigay.

Bisha Maarso 2021 ayaa la filayaa in dhageysiga Dacwadaas loo ballamay taas oo mucaaradku ay shaki geliyeen in sidaas Maxkamada ICJ ku dhawaaqdo.

Salaad Cali Jeelle ayaa ku Eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dano gaar ah ka lahaa Warkii uu shalay shaaciyey ee ahaa inuu Dawlada Soomaaliyeed 4 Sano isbadel ka keenin arinta Qadiyada Badda oo meesheedii ay joogto.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top