BREAKING NEWS

Dawladda Soomaaliya oo hadda sheegtay in maalinta beri ay tahay Ciid

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa goor dhow shaacisay in Sabtida 23-ka May ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitri, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay Soomaaliya

Wasiirka Awqaafta iyo Arirmaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xuseen, oo ay wehliyaan culumo uu ka yimid Sheekh Cali Wajiis, ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay in deegaano badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya laga arkay bisha.

Waxay sheegeen in ugu yaraan 8 qof la dhaariyey islamarkaana ay xaqiijiyeen inay bisha arkeen, ayaga oo jooga deegaano kala duwan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Soomaalida ugu hambalyeeyey ciidda, isaga oo muuqaal soo dhigay warbaahinta dowladda.

Go’aanka dowladda ayaa yimid saacado kadib markii ay shaacisay in bisha la waayey sidaas darteedna ay ciidda tahay Axad, hase yeeshee waxaa kadib aad isu soo taray warka ah in bisha laga arkay meelo badan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top