BREAKING NEWS

Warqadda Axmed Karaash maxaa xigi.

Sooyaalka maamulka Puntland maaha markii ugu horaysay ee madaxda sare ee Puntland si cad oo muuqata isaga horyimaadaan.
Xilligii Cabdilaahi Yuusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi khilaafka labada mas’uul bannaan ayuu u soo bixi jiray, ilaa ay warbaahinta eeda isu marin jireen, mar madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Maxamed Cabdi Xaashi BBCda laga waraystay wuxuu ka yidhi Belo-ba noogama horayn soo noqodkii Cabdilaahi Yuusuf, markaasna Cabdilaahi Yuusuf wuxuu ka soo noqday safar, waxaana laysku qabtay xilal la magacaabayey.

Markasta madaxda sare ee Puntland waxay isku qabtaan qaabka xilalka loo soo magacabayo, Dastuur aan qornayn ayaa jira oo Puntland lagu maamulo, kaas oo qodobadiisa ay ka mid yihiin xilkasta iyo hawl kasta oo loo magacaabayo qof ka soo jeeda Mudug,Nugaal iyo Bari waxaa xaq u leh in uu magacaabo oo looga danbeeyo qofka markaa haya xilka ugu sareeya oo intay jirtayba Puntland Madaxawynaha ahaa, sidaas oo kale ayaa xilkasta oo loo magacaanayo qof ka soo jeeda SSC ay tahay in loo daba fadhiisto xubinta haysa xilka ugu sareeya oo ahaa intii Puntland jirtay Madaxweyne ku xigeenka ah , Sida oo kale ayaa gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari qofka la magacaabayo ay tahay in loo daba fadhiisto Guddoomiyaha golaha wakiilada ama qofkii haya xilka ugu sareeyo, sidoo kalena beelaha kale.

Qodobadan Dastuurka aan qornay waxay ahaayeen kuwo shaqayn jiray xilligii Cabdilaahi Yuusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi xilligii Cadde iyo Afqudhac. Xilligii Faroole ayaa isbadel ku dhacay oo Faroole wuxuu sameeyey qodobo badan oo ay ka mid tahay in Axdigii Puntland lagu aasaasay kii qornaa iyo kaan qornaynba wax laga badelo oo madaxweynaha awooda laysugu keeno oo awoodii madaxweyne ku xigeenka ee ahayd middii qornayd lagu soo koobo qodobka 81aad faqradiisa labaad taas oo sheegaysa in kaalintiisu tahay la tashi, lana qaadan karo lagana tagi karo waana qodobka Axmed Karaash cuskaday. Waxa kale oo meesha ka baxday awoodii qarsoonayd ee aan qornayn ee ahayd in xilalka loo magacaabayo dadka ka soo jeeda SSC in looga danbeeyo oo aanu Deni iska magacaabin.

1.Axmed Karaash dhawr qodob ayuu beer dareeyey oo ay ahayd in uu ku dhiirado, xilligii Caleema saarka hadal goobta uga bannaanaa wuu ka aamusay oo haddii maalintaa uu ku dhiiran lahaa dhibco loo qori lahaa.

2.Golihii wasiirada ee Deni soo dhisay waxaa muuqatay in Karaash looga xoog batay in uu helo wasiiro hore beeshu u haystay sida wasaaradda arrimaha gudaha, oo aanu wax diidmo ah ka muujin ,Denina marsiiyey bulshaduna aad isu weydiinaysay sababta Axmed Karaash u aqbalay wasiiradan hooseeya.

3.Magacaabistii gudiga doorashada iyo xisbiyada iyada oo aan lagala tashan Axmed Karaash xubnihii ka soo jeeday SSC, isla markaana uu warqad diidma ah ka soo saaray, hadana iyada oo aan loo joojin la dhaariyey xubnihii hawlahoodiina qabsadeen Axmed Karaashna aan qoraalkiisii waxba laga soo qaadin.

4.Xilka qaadistii taliye ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada ee uu magacaabay isla markaana lagu badelay Taliye ku xigeen kale iyada oo aan lagala tasha. Isla markaana uu qoraal ka saaray uu ku diidan yahay, horena looga socday xilkiina lagu wareejiyey taliye ku xigeenkii cusbaa.

5.Isku shaandhayntan golahan wasiirada ee cusub oo xilalka ugu badan ee la badelay ka soo jeedaan Sool,Sanaag iyo Cayn oo aan iyagana lagala tashan, qoraal uu ku diidan yahayna uu Axmed Karaash soo saaray, ayna u muuqato sidii qoraaladii hore ee uu Axmed soo saari jiray ee aan waxba laga soo qaadi jirin.

Axmed Karaash wuxuu maanka ku hayey in wax kasta oo deegaankaas ku saabsan isagu go’aaminayo, hase yeeshee waxa muuqatay Axmed Karaash in uu markiiba hilmaamay waxyaalihii kala qabsan jiray Cabdiwali Gaas iyo Camey oo dhawr jeer oo ay is qabteen rag badan la safteen Gaas iyaga oo leh Gaas ayaa dastuurku awoodda oo dhan siiyey, xilligan waxaa Axmed Karaash uga awood batay arrimihii oo dhan xildhibaano golaha wakiilada Puntland oo iyagu liiskan wasiirada gacantooda ku qoray oo Deni hordhigay.

Deni wuu ka duwan yahay madaxdii soo martay Puntland wuxuu isagu si iimaan ah u aaminsan yahay Puntland in ay goobnaato, xilalkii ugu waaweynaa wuxuu ku taxay Mudug, Nugaal iyo Boosaaso, wuxuu aaminsan yahay in xilal badan ku dheeraad yihiin SSC, ninkii amarkiisa qaadanayaa joogo kii kalena laga saaro meesha, Deni iyo Kooxda saamaynta leh ee Aaran jaan waxba dhulka kama yaalaan, waxaase wali maskaxdiisa kusii baaqi tahay aragtidii ahayd deegaankayga dadka ka soo jeeda wax halayga weydiiyo Axmed Karaash, taasna looma oga.

Axmed Karaash dhawr qodob ayaa la gudboon hadduu doonayo in uu goobta ku sii negaado oo dhaashiga wajigiisa ku sii ilaaliyo oo aanay labeenta karaamadu duxdu ka tagin.

In uu isu diyaariyo loolan qadhaadh oo uu haybadii madaxweyne ku xigeenku lahaa berigii hore ku soo celiyo, taas oo ahayd in wixii xilal loo magacaabayo dadka deegaankiisa ka soo jeeda loo daba fadhiisto.

In uu dagaal dheeraad ah u galo sidii Dastuurka Puntland wax looga badeli lahaa oo awood qaybsi dhab ah loogu qori lahaa ugu yaraan Dastuurkii aan qornayn ee maanka ku daabacan sidii kan daabacan loogu dari lahaa, qodobadaas oo ah in nin walba wax laga weydiiyo dadkiisa.

In aan mar kasta lagugu qancin hawsha annagaa dhamaynayna iyo tan maanta noodaa Beri dhicimaysee.

Haddii aadan loolan wax sixid ah aadan geli karin warqad qoraalkeed waxba tarimaysee waxay ku simantahay adeega oo la jartee goobta waxba kuuma yaalaane mashruuc kale daah furo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top