BREAKING NEWS

Xirfadii Siyaasadeed ee Beelaha Sool iyo Sanaag: Xoriyada Ka Hor

1950kii markii Maamulkii Askarta Ingiriiska (British Military Administration) uu ka baxay Koonfurta Soomaaliya ee la hoos geeyay Qaybta Idaarada Wisaayaadka ee QM, waxa iska cadayd waqtiga xoriyada Koonfurta la siinayo, sidaa aawadeed dalka qaybta Ingiriisku gumaysto waxa ka socday hirdan siyaasadeed oo loogu diyaar garoobayo sidii midawga markuu dhaco siyaasada loo qaybsan lahaa.

British Somaliland waqtigaa axsaabta ka jirtay waxa ugu tun waynaa xisbigii SNL oo uu hogaaminayay Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Ragga ugu cadcad xisbigaa waxa kamid ahaa Ilma Naxar (HY), Miyayteyn (HY), Faarax Suusle (HY), Cali Maygaag Samatar (HA). Sida Jaamac Maxamed Qaalib buuggiisa ”Taariikhda Soomaalida” ku sheegay xisbiga waxa aasaaskiisa lahaa waxgaradkii HY oo markii hore xisbi la oran jiray Xisbillah oo ay lahaayeen uu xisbi reereed shaqayn waayay ka noqday ( xisbiga waxa aasaasay nin la oran jiray Sayid Axmed Sheekh Muuse oo Azhar wax ku bartay, Ingiiriskuna aad ulama dhacsanayn xisbigiisa oo wuxu ka urinayay Masar).

Xisbiga kale ee SNL soo raacay wuxu ahaa NUF oo uu hogaamin jiray Micheal Mariano. Xisbiga NUF wuxu ahaa xisbi horusocoda oo reer Galbeedka u janjeedha, Ingiriiskuna inta badan isaguu wax waydiin jiray.

Beelaha Sool iyo Sanaag iyagu waqtigaas xisbi may lahayn waxayna ka tirsanaayeen xisbigii Leegada ee Koonfurta. Ragga waqtigaa Leegada ka tirsanaa ee gobolka ka soo jeeday waxa kamid ahaan sharci yaqaan Cabdale Xaaji Faarax oo xafiis Leegada ahi Laascanood uga furnaa.

Hadaba markii xoriyadii soo dhawaatay waxgaradkii Sool iyo Sanaag waxay is tusiyeen inaanay siyaasi ahaan sidatan kusii jirin karin oo beri marka masiirka xoriyada iyo midowga laga doodayo iyagoon xisbi siyaasiya lahayn ay meel cidla ah kusoo dhacayaan. Waxay go’aansadeen inay xisbi siyaasi ah samaystaan. Arintan waxa lagu go’aamiyay shir lagu qabtay Gol Khaatumo 1958 oo ay isugu yimaadeen waxgaradka goboladaas oo ay hormuud ka ka ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Cali (Garaadka guud ee Dhulbahante), Garaad Maxamuud Cali (Garaadka Maxamuud Garaad) iyo ergo ka socotay Garaad Maxamuud Cali Shire. Sidoo kale waxa la go’aansaday in xisbiga laga soo qaybgeliyo beesha Samaroon ergona loo diro. Halkaa waxa ka samaysmay xisbigii la baxay United Somali Party (USP).

Xisbigaasi wuxu doorashadii ugu horaysay ee laga qabtay British Somaliland ku guulaystay wax ku dhaw kala badhow badh kuraastii baarlaamanka ee waqtigaa, wuxuna xisbigu si xarago leh uga qaybgalay wada-xaajoodkii (negotiations)kii lala galayay Britain ee ku saaabsanaa xoriyad siinta gobolada Waqooyi. Waxa xisbiga wadaxaajoodka ku metelyay Cali Garaad Jaamac oo ahaa siyaasi karismaatik ah oo UK wax kusoo bartay.

Hadaba, dadka taariikhdaa siyaasadeed ee quruxda badan leh maanta iyagoo intaaas ka aqoon badan, ka hanti badan, ka karti badan in masiirkooda meel kale laga go’aamiyo oo ay noqdaan waxa afka qalaad la dhaho ”politically homeless” waa ayaandarro wayn. Waxan ku talin lahaa in waxgaradka goboladaasi ay qiimayn dhaba isula noqdaan, weliba xilku wuxu saaranyahay dhalinyarada waxbaratay ee goboladaa ka soo jeeda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top