BREAKING NEWS

Ciidamada kulaalaya Garowe oo war culus laga soo saaray kadib markii Somaliland…

Kadib markii maalmihii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in duleedka magaalada Garowe ee caasimada Puntland ay isku urursanayaan ciidamo badan oo ku qalabaysan gaadiid dagaal ayaa waxaa warbaahinta magaalada Garowe kula hadlay xubno kooban oo isugu jira dhalinyaro iyo saraakiil ciidan.

Xubnahani ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo badan lasoo dhoobo duleedka caasimada, kuwaas oo qaarkood ay soo baneeyeen jiidaha hore ee dagaalka.

Waxa ay shaaca ka qaadeen in masuuliyada ciidamadasi ay dusha saaran doonaan shakhsiyaadka hogaaminaya hadii xaalad dagaal ay timaado isla markaasna ciidamadaasi laga qaado magaalada si uusan khal khal ugu imaan amaanka caasimada.

Xubnahani oo erayo hanjabaad iyo digniin ah warbaahinta u marayey saraakiisha ciidamadaasi ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu soo dhamaan doono, taas badalkeedna ay joogitaanka ciidamadani duleedka Garowe ay Somaliland fursad u siin doonto curinta colaad ka dhacda gobolka.

Ugu dambeyntii ay ugu baaqeen in laga wada shaqeeyo jiritaanka iyo amaanka Puntland isla markaasna shakhsi walba uu isku xilqaamo adkaynta amaanka deegaanada Puntland lagana fogaado colaado ka dhex dhaca bulshada.

Duleedka magaalada Garowe ayaa waxaa muddoyinkii ugu dambeeyey isku arursanayey ciidamo badan, kuwaas oo la safan madaxweyne ku xigeenka Puntland kadib khilaaf sababay xiisad xoogan oo ka dhex qarxay isaga iyo madaxweyne Denni oo mid walbaaba dhankiisa abaabul ciidan kawaday muddooyinkii ugu dambeeyey.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top