BREAKING NEWS

Ciidamadii ugu badnaa Somaliland oo gaadhay jiidaha hore & Gaadiid dagaal oo kusii qul qulaya

Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo xoogan kawadaan deegaankaasi.

Dhaq dhaqaaqyadani ciidan oo tan iyo maalmihii ugu dambeeyey socday ayaa waxaa ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay u kolonyeysteen dhanka deegaanada ku xeeran deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo badan ayaa u jihaystay dhanka deegaanada ku dhow dhow deegaanka Tukaraq, waxaana ay si ay ugu sii gudbaan ay qorshaynayaan in awood ciidan dul dhigaan jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq.

Dadka ku sugan deegaanka Tukaraq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ayaa sheegay in xaaladu ay sii xumaanayso isla markaasna badi magaalada laga barakacay si shacabka aan loogu dul dagaalamin.

Duleedka Tukaraq ayaa waxaa iyaguna ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, kuwaas oo dagaalo kala duwan la galay Somaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top