BREAKING NEWS

Khilaafkii Karaash iyo Deni Oo La Soo Afjaray

Qaar kamid ah Isimadda dhaqanka ee Puntland, guddoonka Baarlamaanka ayaa ku guuleystay in ay maanta wada hadal toos ah iskugu keenan Madaxweynaha iyo M/weyne kuxigeenka Puntland.

Kulan socday 4 saacadood ayaa dhacay, waxaa kasoo baxay.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ay labada masuul ee u sareysa Puntland aqbaleen in ay kawada hadlaan waxyaabaha ay isku hayeen, lagana gudbo (XALAY DHALAY).

Labada dhinacba, waxay isku raaceen in laga gudbo khilaafkii dhawaan yimi, waxaana xoguhu cadeynayaan in Madaxweyne kuxigeenku aqbalay wareegtooyinkii Madaxweynaha ee uu diidanaa, sida ay wararku sheegayaan.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday Latashiga Ku xigeenkiisa, oo ay kawada socon doonan xaaladdaha marba taagan, iyadoo la raacayo qodobada Dastuuriga ah.

Sidoo kale Deni ayaa isna codsaday in Axmed Karaash joojiyo Khilaafka iyo foodada aan sharciga ahayn

Isimada hawshan isku xil saaray ayaa kala ah

1 Garaad Saleebaa Garaad Mohamed.
2 Islaan Bashiir Islaan Cabdile.
3 Boqor Abdilaahi Ahmed Cali.
4 Ugaas Maxamuud Ugaas Abdilaahi Ciise.
5 Suldaan said Maxamed Garaase

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top