Waxaa saaka xidhan qaar ka tirsan Isgoysyada ku teestsan wadada Wadnaha sida Isgoysyada Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxa ay xireen wadooyinkan iyo sidoo kale Isgoyska Tarbuunka.
Gaadiidleyda iyo dadweynaha wadooyinkaasi isticmaalaya ayaa si goos goos ah wadooyinkaasi u maraya, waxayna qaarkood isticmaalayaan jidcadayaasha xaafadaha.
Hay’adaha ammaanka ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyaay sababta wadooyinkan loo xiray, waxayna inoo sheegeen in arrimo amni darteed iyo amar ay ka heystaan saraakiisha ay u xireen wadooyinkan.