Iyado 28-ka bishan la qorsheynayo in magaalada baydhabo lagu qabto shir ay isugu imaanayaan Dowlada dhexe iyo xubnaha maamula Gobaledyada oo looga hadli doono arimaha destuurka qabya qoraalka ee soomalaiya ayaa waxa dhaliilay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka soomaaliya mahad cabdalla cawid.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gudoomiye Mahad cabdalla cawid ayaa shaaca ka qaaday in destuurka qabya qoraalka usan gacanta ugu jirin baarlamanaka iyo xukuumada isla markaana ay gacanta ku hayaan hay’ado shisheyo bilowgii horana rayi aruurin siyaaba kala duwan looga qaaday kumanaan ka mid ah shacabka.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanaka soomaaliya Mahad cabdalla cawid ayaa ka dhawaajiyey caawinaada qaramada midoobay iney noqoto mid soomaaliyed balse aysan noqon mid lagu dhibaateyo bulshada soomalaida.