BREAKING NEWS

Xildhibaano uu ka mid yahay Mahad Salaad oo Walwal ka qaba Mustaqbalkooda Siyaasadeed

Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ku metela Galmudug qaarkood ayaa muujiyey walaaca soo foodsaaray mustaqbalka siyaasaddooda iyo sida ay u sii ahaan karaan xubno Galmudug ku sii meteli kara Baarlamaanka Federaalka.

Welwelka xubnahan ayaa yimid kaddib hirgelidda shirkii ka dhacay magaalada Jibuuti ee jamhuuriyadda Jibuuti bishii November-2017, kaas oo ay kawada qaybgaleen madaxweyanah Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo madax kamid ah maamulkii hore ee gobolada dhexe oo ku metelayay shirkaas Ahlu sunna Waljamaaca Sheek Maxamed Shaakir Xasan Cali.

Waxa uu welwelka siyaasadeed ee xubnahan qaarkood salka ku hayaa in aanay wax kaalin ah oo muuqata ku lahayn habka uu u hirgalay heshiiska dib u habeynta Galmudug, kaas oo intiisa badan ay fuliyeen Galmudug iyo ASW.

Ilo xog ogaal ah oo katirsan Galmudug ayaa sheegay in xubanahan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka qaarkood ee metela Galmudug ay awood iyo dadaal badan geliyeen sidii ay u carqaladeyn lahaayeen geeddi socodka dib u habaynta Galmudug, kaas oo ay suurtagal tahay in haddii aanay qayb ka ahayn ay waayi doonaan xilka siyaasadeed ee ay ka hayaan Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda Galmudug qaarkood una badan kuwa mucaaradka ku ah xukuumadda Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre; ayaa iskudayey in ay xildhibaano katirsan Galmudug ka abaabulaan Muqdisho, kaddibna u diraan Cadaado si ay halkaas uga sameeyaan dhaqaaq siyaasadeed ka dhan ah dib qaabeynta Galmudug; si ay culeys u saaraan soo dedejinta kaalintooda

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ee metela Galmudug ayaa qaarkood waxa ay dhowaan la kulmeen wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Eng: Cabdi Maxamed Sebriye; iyaga oo gaarsiiyey welwelka ka haya sida aanay ugu lug lahayn dadaalada iyo shirarka dib u qaabeynta Galmudug, iyaga oo u jeediyey in maaddaama uu yahay wasiirka arrimaha gudaha uu arrintaas iyo culeyska ay ku hayso xildhibaanada dib u eego, balse sida la ogaaday xildhibaanadu sidii ay wax u rabeen uga ma helin wasiirka.

Maxaa keenay Welwelka Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda Galmudug?

Magaalada xarunta u ah Galmudug ee Dhuusamareeb waxa shalay ka dhacay shir ay kawada qaybgaleen madaxweynaha Galmudug, madaxa xukuumadda,Wasiirro, xildhibaano kamid ah Galmudug, iyo xiriiriyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dib u qaabeynta Galmudug Cabdisamad Macalin Maxamuud, madaxweyne Xaaf ayaa ka sheegay Dhuusamareeb in uu u yimid dhammeystirka heshiiska Galmudug ee lagu gaaray Jibuuti laguna saxiixay Muqdisho iyo iskudhafka Baarlamaanka, waxa uu sheegay in ay sida heshiisku dhigayo lagu dhammeystirayo Dhuusamreeb wixii ka dhimman heshiiska.

Hadalka madaxweynaha ayaa laga fahmay in ay jiro tuhun ay qabaan siyaasiyiin kamid ah Galmudug, kuwaas oo loo fahmay in uu muujinayo arrinta welwelku xildhibaanada Galmudug ku metela Baarlamaanka Federaalka kuwaas oo aan midkoodna joogin shirkan.

Welwelka Xildhibaanadan labada gole ee ka soo jeeda Galmudug waxa kale oo sii kordhiyey suurtagalnimada ah in jiritaanka Galmudug lagu daro 2; sano oo kale, taas oo ka dhigan in mudddada ka hartay xilligii madaxweyne Ckariin Guuleed marka lagu kordhiyo 2; sano oo kale, ay dhici karto in Galmudugta hadda jirta ay kaalin ku yeelan doonto doorashada Baarlamaanka 11aad, markaasna waxa suuragal ah in taladu ka baxdo gacanta Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda Galmudug ee hadda ku jira Baarlamaanka 10aad.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top