BREAKING NEWS

Ciidamada Itoobiya oo qarax khasaare gaystay lagula eegtay Gobolka Baay

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ciidamada Itoobiya lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya.

Dadka deegaanka Awdiinle, ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada Itoobiya lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qabsaday qaraxa.

Waxa ay sheegayaan dadka deegaanka ciidamo gaaraya illaa Shan askari inay ku dhinteen qaraxaasi miinada oo bur bur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday qaraxa.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Al Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday.

War ka soo baxay Shabaab ayaa waxa ay ku sheegtay ku dhawaad 30 askari oo Itoobiyaan ah inay ku dileen qaraxaasi, inkastoo aanan si dhab ah loo xaqiijin karin sheegashada Shabaab khasaaraha intaasi la eeg.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku safra deegaano ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan qaraxyada noocaan oo Shabaab ay u dhigaan ciidanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top