Wafdi ka socda Dawlada Tansaaniya ayaa magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland lagu soo dhaweyey kuwasoo u yimid deegaanada Puntland sidii tababaro ay u siin lahaayeen Shaqaalaha dawlada Puntland.
HALKAN KA DHAGAYSO
C/raxamaan Shiikh Axmed Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha dawlada Puntland oo ka hadlay Wafdigan iyo inta ay joogayaanPuntland ayaa sheegay inay dhowr Asbuuc ka shaqaynayaan tababaridda shaqalaha Rayidka ee dawlada.
Warsame Maxamuud Xassan Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ee dawlada Puntland ayaa u mahad celiyey Masuuliyiintan ka socda Dawlada Tansaaniya wuxuuna sheegay inay ka Faa,iidaysan doonaan aqoontooda inta ay joogaan wafdigan Garowe.