BREAKING NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ka Dhacay Sh/Hoose & AMISOM+AL-Shabaab oo Heshiis Ah 2020 inay Ku Wareejiyaan dhamaan Dhulka

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ku leeyihin degaanka laanta buulo ee gobolka Sh/Hoose.

Al-shabaab ayaa marka hore dagaal toos ah la galay Ciidamada amisom ee saldhigay joogay ka dibna waxaa bilowday hoobiyaal iyo hubka culus oo ay labada dhinac isweydaarsadeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Sh/Hoose ayaa weli faah faahin ka bixiyay weerarka dhacay iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ku leeyihin degaanka laanta buulo ee gobolka Sh/Hoose.

Al Shabaab ayaa dhowr mar weerar ku qaaday Saldhigaan ay ku sugan yihiin Amisom, sidoo kale AL-Shabaab ayaa qaraxyo la bartilmaameedsada gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ee maraya gobolka Sh/Hoose.

Maamulka gobolka Sh/ Hoose oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top