sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah dab xoogan ayaa ka kacay xero dad barakacayaal ah oo ku taala dagmada wadajir gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha muqdisho.
HALKAN KA DHAGAYSO
Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa khasaaro weyn u gaystay guryaha dadkii barakacayaasha ahaa,isagoo dambas ka dhigay cooshadihii ay qabowga iyo qoraxda uga ganban lahaayeen.
Qof deegaanka ah ayaa mid ka mid ah idaacadaha muqdisho u xaqiijiyey in daminta dabkaasi lagu guuleystay.