BREAKING NEWS

Dowlad Aan La Fileyn Oo Hub Iyo Qarash Badan Siisay Al-shabaab

Mid kamid ah dowladaha carbeed ayaa waxay malaayiin doolar iyo sidoo kale hub ay siisay maleeshiyada Al-shabaab, sidaan ku helnay xoghoose.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horraantii sanadkan 2018 waxay hub farobadan kasoo dejisay gobolka Shabellaha Hoose, waliba si qarsoodi ah iyo sidoo kale lacag dhan 10 Milyan oo doolar.

Hubkan iyo lacagtaan ayaa waxay ku wareejisay dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana ay dooneysaa iney shaqo u fuliyan.

Ulajeedka ayaa ah oo kaliya sida naloo sheegay in ay xoojiyaan dagaallada ka dhanka ah dowladda Federaalka Soomaliya iyo sidoo kale in awoodooda ballaariyaan.

Sida muuqa Al-shabaab ayaa markii ay heleen qarashkaasi iyo hubka waxay durba ay xoojiyeen dagaallada culus ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka oo markii hore siyaasad ahaan la dagaalsanaa dowladda Soomaliya ayaa hadda waxa uu siyaasaddii ku darayaa awood ciidan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top