BREAKING NEWS

DF oo QM u gudbineysa dacwo ka dhan ah Imaaraadka Carabta & Itoobiya ka dib heshiiskii Dp World

Warar heleyso Wakaaladda Wararka Widh Widh online ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya dooneyso dacwad ka dhan ah Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta u gudbineyso Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareynkanka.

Dacwada ayaa ku saleysan in Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ay ku xadgudbeen madax banaanida iyo qayimka dhuleed ee Soomaaliya lagana doonayo iney faraha kala baxaan.

Warqada codsiga oo laga doonayo inuu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya oo nuqul ka mid na soo gaaray ayaa qeexaya in dhulka Soomaaliya iyo bixintiisa ay ku imaaneyso rabitaan shacab weyne iyo saxiix madaxweynaha Qaranka,sidaasi daraateedna aan la ogolaan doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaali si sharcidaro ah lagu qaato.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney ogoshay in mashaariic horumarineed laga fuliyo deegaanada Somaliland,balse aan ogoleyn in si sharcidaro ah dhulka Soomaaliya lagu boobo ogaal la’aan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Mareynkanka ayaa laga yabaa inuu madaxda dalkaasi kala hadlo Arrinta hadda taagan ee Heshiiska shirkadda Dp World,Somaliland iyo Dowladda Itoobiya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top