BREAKING NEWS

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb galay mareykanka (SAWIRO)

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galay shir looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka iyo xasiloonidarada ka jirta Soomaaliya.

Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Washington ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka,waxaana diirada lagu saarayay qodobo ay ka mid ahaayeen waxka qabashada Saboolnimada, rabshadaha mararka qaar dalka ka dhaca iyo sidii looga gudbi lahaa.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galayay madax ka socotay badi Wadamada Caalamka iyo Wakiilo matelayay Hay’addo Caalami ah,kuwaas oo ka dooday amnidarada ka jirta waqtigaan meelo badan oo caalamka ah iyo sida xal looga gaari karo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shirkaas uga qeyb galay Soomaaliya ayaa wax laga weeydiiyay Arrimaha Bani’aadanimada, Amnidarada, Masuq maasuqa iyo maareynta habka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn shirka ayaa la filayaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 7 bisha Maarso la soo gaba gabeeyo,waxana ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doonaa Madaxda shirkaasi soo qaban qaabisay ee ka socota Bankiga Aduunka.blankblankblankblank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top