BREAKING NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay Dilal Qorsheysan oo ka dhacay Degmada Afgooye & Howlgalo hada ka socda

Waxaa Xalay siyaabo kala duwan dilal qorsheysan ay uga dhaceen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee goboka Shabeelaha Hoose.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in 2 Ruux ay ku toogteen Xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi.

Labada Qof ee la dilay ayaa kala ahaa Wiil Dhalinyaro ah iyo Oday Da’ ah, waxaana lagu soo warramayaa in Raggii ka dambeeyay dilalkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Lama oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ee ka dambeeyay dilalkaasi, iyo wax ay ahaayeen shaqsiyaadkaasi la dilay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan dilalkaasi.

Balse waxaa saakay degmadaasi howlgallo ka wada Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo wada baaritaano la xariira dilalkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay falalka ammaan dari ee ka dhaca Afgooye, iyadoona siyaabo kala duwan magaaladaasi loogo dilay dad Rayid ahaa oo an waxba galabsan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top