Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha dowlada Somalia, wuxuuna sheegay inay ilowday madaxbanaanida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay ka gudbi doonto halka ay xiligan taagan tahay, isla markaana mar un ka jawaab celin doonto faragalinta ay kala kulmeyso Imaaraadka.