BREAKING NEWS

Ciidamada Dowlada oo Xalay Howlgalo ka sameeyay Xaafadaha D/Hodan

Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa xalay howlgalo waxay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, howgalkaasi ayaa ciidamada waxay ku soo qab qab teen dhalin yaro badan oo Ciidamada ay ka soo aruuriyeen Guryaha iyo Wadooyinka.

Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Siigaale ilaa Soona-keey ee degmada Hodan, waxana dadka deegaanka qaarkood ay KNN u sheegen in Ciidamadu ay baaritaano ku sameeyeen Guryaha, halka Wadooyinkana ay dadka ka qab qabanayeen Ciidamada.

Sidoo kale Ciidamada ayaa dadka ay qabteen isugu geynayay meel gaar ah si ay baari taano ugu sameyaan.

Howgalkaan ay xalay ciidamada dowlada ay ka sameeyeen Xaafadaha Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir ayaa imaanaya xili degmadaas shalay lagu dilay mid ka mid ah Gudoomiye Waa-xeed ka tirsanay Maamulka Degmadaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top