BREAKING NEWS

Dowlada Oo ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay AL Shabaab Oo Ku Aadanaa Mamnuucida Kubadda Cagta{Dhagayso}

Dowlada fedraalka soomaliya ayaa ka jawaabtay go’aankii dhawaan ururka al shabab ay uga mamnuuceen qaar ka mid ah dagmooyinka gobolka banaadir ciyaarta kubada cagta taasoo keentay in ay xirmaan garoomada isboorti ee qeybo ka mid ah dagmooyinka magaalada muqdisho.

HALKAN KA DHAGAYSO

wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumada fedraalka khadiijo maxamed diriye oo ka hadlaysay kulan maanta ay magaalada muqdisho ku yeesheen wasaaradaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada dalka iyo tan xukuumada dhexe kaasoo ay ku kala saxiixanayeen sharciga siyaasada qaran ee ciyaraaha dalka ayaa sheegtay in al shabaab aanay ka mamnuuci karin kubada cagta dagmooyin ka tirsan gobolka banaadir.

sidoo kale raysul wasaare ku xigeenka soomaaliya mahadi maxamed guuleed ayaa madasha ka sheegay in wax walba ay saldhig u yihiin sugida amniga hadii nabad la helana aanay al shabaab ku dhici karin in ay bahda isboortiga ka hor joogsadaan howlahooda shaqo,isagoo intaasina raaciyey in dowlada fedraalku ay ka shaqeyneyso hirgalinta nabada si ay u qabsoomaan howlaha isboortiga oo ah raja soo celinta umada soomaaliyeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top