BREAKING NEWS

Dowladda Jabuuti Oo Heshiis La Gaartay Shirkad Cusub Oo Dhanka Dekeddaha Ah

Hay’adda maamusha Dekeddaha dalka Jabuuti ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Pacific International Lines (PIL) oo xarunteedu tahay wadanka Singapore.

Shirkadda ayaa ka shaqeyn doonta horumarinta dekedda Dooraleh oo dhawaan laga eryay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda maamusha dekedda Doorale ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay heshiis la gaartay shirkadda Pacific International Lines,islamarkaana shirkadda ay ka shaqeyn doonto waxqabadka dekedda iyo alaabooyinka isaga kala goosha qaaradaha Asia, Afrika iyo Yurub.

Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan Dalkeeda ka Erisay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta,taasi oo damacday in ay la wareegto Dekadaha dalkaas.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top