BREAKING NEWS

Mareykanka oo Soomaaliya Ugu Deeqday Malaayiin Dollar

Dowladda mareykanka ayaa ballanqaaday in ay soomaaliya ugu deeqayso maalaayiin doolar si ay ugu caawiyaan dadka soomaaliyeed ee u baahan gargaarka Bini’aadannimo.

Xoghayaha arimaha mareykanka Rex Tellerson oo dhawaantan lafilayo in uu booqasho ku yimaado dhawr wadan oo afrika kamid ah, ayaa sheegay in dowladiisu ay u qorsheesay in lacag gaarayso $533 milyan ugu tala gashay in ay ugu deeqdo wadamao farabadan oo ku yaalo qaaradda afika.

Wadamada dhaqaalahaan ay dowladda mareykanka u ballanqaaday waxaa kamid ah koonfurta suudaan oo heli doonto $84 milyan, Ethiopia oo loo qoondeeyay in ay heli doonto $110 milyan, iyo Soomaaliya oo heli doonto lacag dhan $110.

Wadamad kale ee deeqdaan dowladda mareykanka ka faa’iidaysanaya waxaa kamid ah dowladaha Nigeria iyo Chad oo shacabkooda loogu deeqay lacag dhan $128 sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda mareykanka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top