BREAKING NEWS

Wasiir ka tirsan DF oo Doonaya Innuu Maxkamadii Badda Laga Baxo & Kenya Miiska Lala Yimaado

Warar  hoose WidhWidh Online ay ka helayso magaalada Nairobi waxay sheegayaan in uu kulan qarsoodi ah dhexmaray Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xassan Xaaji Xuseen iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai.

Sida ay xogtu caddaynayso waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsan sidii dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya ay u furi lahaayeen wadahadal khuseeya arrimaha dacwadda badda ee ka dhaxaysa labada dal Kenya iyo Soomaaliya, taasoo ay dawladda Kenya horay u codsatay in wadahadal lagu dhammeeyo murankaas.

Isla markaana Soomaaliya ay ka tanaasusho dacwadda ka furan Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (Hague), taasoo sida xogta sheegayso Wasiirka Cadaaladda  Soomaaliya Avv. Xassan Xaaji Xuseen uu ballanqaaday inuu kala shaqaynayo dawladda Kenya sidii ay Soomaaliya ugu tanaasuli laheyd dacwaddaa arrintana ku soo celiyo miiska wadahadalka.

Waxaa la ogsoon yahay in Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya uu yahay madaxa hoggaanka dacwadda u qaabilsan Kenya sidoo kalana Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa isaguna ah mid asal ahaan ka soo jeeda Kenya.

Tallaabadan uu Wasiirku qaaday waxay saamaynaysa masiirka iyo qaranimada Soomaaliya,Waana tallaabo uu iskii u qaaday.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top