BREAKING NEWS

Wasiirka Duulista Soomaliya oo Hanjabaad Culus u Diray Shirkadaha Diyaarahada (DAAWO VIDEO)

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) oo maanta kulan kula qaatay Muqdisho Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayaa u gudbiyay amaro oo ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.

Wasiir Oomaar oo qodobayeey Go’aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

“Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan” ayuu yiri Wasiirka.

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.
Ku-xigeenka Mareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin xasan ayaa tilmaamay inay dowladdu ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda Rakaabka.

Qaar kamid ah dadka raaca diyaaradaha Magaaladda Muqisho ka baxa ayaa cabashooyin ka gudbiyay Shirkadaha Duulimaayadda, taasi oo gaartay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top