BREAKING NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah xalay wuxuu Madaxtooyadda Somaliya kula qaatay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya.

Kulanka oo ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen, ayaa Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Somaliya inay la shaqeeyaan Saraakiisha Hay’addaha ammaanka dalka, islamarkaana ay ka qayb qaataan doorkooda ku aadan suggida ammaanka.

Intii uu kulanka socday, waxyaabaha sida aadka ah loo falanqeeyay ayaa waxaa aheyd arrimaha ammaanka, maadaama dowladda Somaliya ay isku dayeyso xaqiijinta ammaanka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu u sheegay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka inay wada shaqeeyaan Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Degmada, si wax looga qabto amnidarada ka dhacda Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale intii uu socdo kulanka ayaa Madaxweynaha Somaliya wuxuu soo hadal qaaday arrin ay aad u daneynayeen ka hadalkeeda Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, taasi oo aheyd xil ka qaadis maalmahan suuqa ku jirtay oo lagu sameynaayo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, balse Madaxweynaha ayaa u sheegay inuusan jirin isbedel deg deg ah oo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka lagu sameynaayo.

Waxaa socda qorshe cusub oo isbedel amni loogu sameynaayo Magaalada Muqdisho, iyadoo Magaalada ay ka bilowdeen hawlgalo ciidamada xasilinta ay ka sameynayaan Magaalada gudaheeda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top