BREAKING NEWS

Qodobo Badan Oo Ka Soo Baxay Shirweynihii XidhXidh Ee BAHRARSAME{VIDEO}

Shirwanahani oo uga socday maalmihii u danbeeyey magaalada Xidh Xidh oo ku Koonfurta gobolka Sool
Beelwaynta BAHA-RARSAME ayaa la soo gabgabeeyey .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Goobta Shirkan ka dhacay oo ahayd madal boqran ayaa waxaa ka ka qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan
ee Beesha ,ganacsato , Siyaasiyiin, Culimo iwm.

Gogoshan oo horay uu ugu baaqay Garaad Jaamac Garaad Cali ka dib markii la soo afjaray heshiiskii
Deeganka Maygaagle ee gobolka Nugaal Garaad Jaamac Garaad Cali , oo isagu gadh wadeen ka ahaa shirkani ,
Masuuliyiintii ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Khaliif Galaydh .

Shirwaynahan ayaa waxaa diirada lagu saaray Dhaqan gelinta Heshiisyadii Nabada , Horumarinta Beesha,
dib is xogwaraysi xaalada ay ku sugan tahay beeshan, Ilaalinta Xaalufinta Deegaaamaysiga , Horumarinta Dhanka
Waxbarashada , Caafimaadka , dhiiri gelinta dhalinyarada , shaqo abuurka iyo waliba Sidii ay beeshu
uga shaqayn lahayd dhaqan gelinta dhamaan heshiisyada nabadeed ee Beeshu la qaatay bilihii u danbeeyey
Beelaha dhinacyada .

Sidoo kale , Ujeedka Shirkana ayaa qayb ka ahaa Alla bari iyo Duco ay beeshani ka ducaysanaysay dhibaatooyinka waayuhuwato , iyadoo madasha ay goob joog ka ahaayeen Culimada iyo Wadaada Diinta .

Ergooyinka shirkan ka qay galay sadexdii maalmood ee uu socday Shirkan ayaa waxaa ay ahaayeen 99 Xubnood oo laga soo xulay dhamaan qaybaha kala duwan ee Beeshan

Madashi lagu soo afjarayey Shirkan ayaa waxaa ay u akhriyeen ergooyinka gudiga maamulkka Shirkan oo iyagu qayb ka ahaa hawsha Shirkani .

Qodobadii ay so saareen ayaa waxaa ka mid ahaa :

1: In Beeshu ay kala mid tahay Beelaha Dhulbahante Taageerida Wadahalada Nabaded ee u socda Somaliland
iyo Khaatumo .

2:In La Xoojiyo Nabada iyo Adkaynta Midnimada .

3: In la dhowro Deegaanka iyo Isticmaaalka dhulka .

4:In la horumariyo ganasiga iyo Maalgashiga .

5:In Midnimada iyo Wadajirka Beesha La ilaaliyo .

6 :In la dhawro Xeerarka iyo Heshiisyada beelaha ay la gashay beesha ay dhawrto .

7:Beeshu waxay soo dhawaynaysaa wadajirka iyo Midnimada Beelwaynta Dhulbahante .

8: Beeshu Waxay baaq nabadeed u diraysaa Walaalaha shaqaaqada Cusubi ku dhexmartey deegaanada GOCAN-DHAALE iyo Horufadhi ee gobolka Cayn .

9:Beeshu waxay isla garatay in laga fogaado wax kasta oo u keeni kara nabada gelyo xumo iwm .

10:Beeshu Waxay isku raacday in la adkeeyo oo la dhamaystiro Heshiisyadii Nabadeed ee ay la gashay Beelaha Cabdi Garaad iyo Cumar Maxamuud.

11: Beesu waxay soo dhawanyasaa Nabad gelyo iyo wanaag ka dhacda dhamaan geeska Africa .

12:In ay Beeshu iska bixiso Magaha lagu leeyahay mudadii lagu heshiiyey si loo ilaaliyo wada noolaanshaha iyo nabada .

Ugu danbayntii ,Shirwaynahan ayaa waxaa si gaar ah loogu mahad celiyey looguna Duceeyey :

1: Mulkiilaha Shirkada Gaasta iyo Saliidaha ee HASS PETROLIUM kaalintii uu ka qaatay Shirkani .
2:Garaadka Beesha Garaad Jaamac Garaad Cali .

3: Dadka ku dhaqan magaalada Xidh Xidh oo madasha qaabilay , si wanaagsanna ula dhaqmay Ergooyinka.
4:Bahda Culimada oo Kaalintii ugu Cuslayd ka qaatay Shirka .
5: Bahda Maamulka Madasha iyo Shirka .

W/Q:Mawliid Haradigeed Xidh Xidh .

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top