BREAKING NEWS

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Magaaladda Nairobi Kula Kulmay Dhigiisa Kenya

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ku sugan Magaaladda Nairobi, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Kenya Isaya Osug, waxayna kawada hadleyn arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya.

Qodobadii ugu muhiimsanaa Labada Taliye ay kawada hadleen waxaa kamid ah siddii ay u sameyn lahaayeen iskaashi isuna dhaafsan lahaayeen khibradaha iyo aqoonta maamulka Xabsiyada, dhaqancelinta iyo tababarada guud ahaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay Akadheemiyada Ciidanka Asluubta Dowladda Kenya oo ku taalla Counting Kiambu.

Xafladda waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru KENYATTA, waxaana tababar loogu soo xiray in ka badan 3000 (saddex kun) oo askari, Ciidamadaan cusub ayaana kusoo biiray Ciidanka Asluubta Kenya, waxayna isugu jireen Dumar iyo Rag.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top