BREAKING NEWS

Warbixin Maalinta caalamiga ah ee Haweenka oo maanta ku beegan{Dhagayso}

Xuska Maalinta caalamiga ah 8-da March ayaa maanta ka dhacaya meelo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo inta badan gobalada Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada.

8-da Maarso waa maalin loo Calaamadeeyay in la xuso Dumarka aduunka waxaana lagu soo bandhigaa inta badan dhibaatooyinka ay wajahaan iyo Guulaha ay gaaraan.

Soomaaliya oo ay colaad iyo amni darro ka jirto wax ka badan rubac qarni ayaa ka mid ah meelaha looga dabaal dagayo 8-da Maarso waxaana Hotelo iyo xarumo kale oo ku yaala magaalada muqdisho ka socda xaflado aad loo soo abaabulay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top