BREAKING NEWS

Kenya oo QM ka dalbatay in ay laasho Qaraarka ku saabsan yareynta Ciidamda AMISOM ee Soomaliya jooga.

Sida ay Warinayaan Warbaahinta Kenya Dowladda Kenya ayaa QM waxay ka Dalbaneeysaa in ay Laasho Qaraarkii lagu meel mariyay in la yareeyo tiradda Ciidamadda Amisom ee Soomaaliya jooga.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda kenya Monica Juma ayaa sheegtay in xasiloonida iyo horumarma Soomaaliya uu fure u yahay Barwaaqadda kenya iyo Gobolka, waxayna sheegtay In Dalkeedu fagaareyaasha Caalamka uu codkiisa Soomaaliya ku xoojin doono.

“Aragtida arrintaan, inagoo kaashaneeyna wadamadda ciidamaddu ka joogaan Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya waxaan Golaha amaanka QM ku celin doonaa in dib loo eego Qaraarka yareeynta Ciidamadda” ayey tiri Dr juma.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda kenya ayaa imaanaya Todobaad ka dib markii Shir ka dhacay Magaaladda kambala ay Madaxda Wadamadda Ciidamaddu ka joogaan Soomaaliya isku raaceen in aan Lasii wadin qorshaha Ciidamadda AMISOM ay dalka uga baxayaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top