BREAKING NEWS

Madaxweyne Waare oo Jowhar ku qaabbilay Saraakiil ka socotay QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabbilay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay Johwar.

Waxanay Labada dhinac ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.

Saraakiishani Ka Socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminayay madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle,wasiir ku-xigeenka Amniga, saraakiil ka tirsan ciidamada Ammaanka, iyo la tiliyeyaal Sare.

Madaxweyne dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle madaxa xafiiskaasi Benjamin.

Wuxuuna Mr; Benjamin, u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan sida caawimaadda dadka ay abaartu saameysay, horumarinta Kaabayaasha dowladda, dib u dhiska degaannada Hirshabeelle, arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg-dega ee soo food saara bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabeelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu darantahay biyo la’aanta.

Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariic horumarineed oo ay u soo gudbin doonto dowladda Hirshabelle, waxaana ay balan-qaadeen saraakiishaasi fulinta wax-yaabaha uu ka hadlay madaxweynaha.

Kulankan ayaa qeyb ka dadaalada madaxweynaha Hirshabeelle uu ku doonayo horumarinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo mudada uu joogo madaxweynaha la qabtay howla badan oo muhiim u ah heykalka dowladnimo ayna bilowdeen mashaariicyo horumarineed taasi oo ay soo dhoweeyeen Bulshada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top